Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe lagu dhaariyay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee golaha wasiirada, kuwaas oo maalin ka hor uu magacaabay madaxweyne Deni.
Wasiirada cusub waxaa mid mid u dhaariyay garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda dhaarinta xubnaha wasiirada cusub ee Puntland.


