Ururka Iskaashiga Islaamka oo yeelanaya kulan degdeg ah oo looga hadlay Xaaladda Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay maalinta sabtida kulan degdeg ah ka yeelan donaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha ka soo cusboonaaday ee dhaawacaya Midnimada dalka.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u yeelan doona Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo la filayo in ay si wadajir ah u cambaareeyaan aqoonsiga la sheegay in ay Israa’iil siisay Somaliland.

Sidoo kale, dalalka ku jira ururkan ayaa la filayaa in ay muujiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo la filayo in ay si wadajir ah ugu baaqaan in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shirka ayaa ujeeddadiisu tahay in la qaato mowqif mideysan oo ay u dhan yihiin dalalka Islaamka, kaas oo looga hortagayo faragelinta lagu hayo Soomaaliya.

Dalalka caalamka ayaa intooda badan ku baaqay in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isla markaasna la dhowro shuruucda caalamiga ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed