Trump oo ku hanjabay in ay weerar Militeri ku qaadayaan dalka Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka, Donald  ayaa ku hanjabay inuu weerar milateri ku qaadi doono Iiraan, haddii aysan ku soo laaban heshiiska barnaamijka Nukliyeerka.

“Maraakiib dagaal oo aad u ballaaran ayaa ku sii jeedda Iiraan. Waxay u socdaan si degdeg ah, iyagoo wata awood weyn, xamaasad iyo hadaf cad,” ayuu ku yiri qoraal dheer oo uu soo dhigay barta Truth Social.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray, “Waxaan rajeynayaa in Iiraan ay si degdeg ah u timaado ‘Miiska Wadahadalka’ oo ay ka gorgortanto heshiis caddaalad ah oo loo siman yahay.

Isagoo sida muuqata tixraacaya duqeyntii Mareykanku bishii Juun u geystay saddex ka mid ah xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, ayuu madaxweynaha Mareykanka uga digay in haddii Tehraan ay ku guuldareysato inay heshiis ku raacdo, weerarka xiga uu noqon doono mid aad uga xun.

Hanjabaadda xooggan ee Trump ayaa timid waxyar ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, uu sheegay in dalkiisu uusan dib u bilaabi doonin wadahadallada inta ay jirto hanjabaad weerar.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed