Thaiiland oo sii daysay Askar lagu qabtay dagaalkii ay la galeen Cambodia

Thailand ayaa sii daysay siddeed iyo toban askari oo u dhashay Cambodia kuwaas oo lagu qabtay bishii Luulyo intii uu socda dagaalka xuduuda ee dhiiga badan uu ku daatay. Labada dowladood ayaa xaqiijiyay wareejinta askarta. Dib u dhac ayaa hal maalin ayaa yimid kadib cabashooyin ay Thailand ka muujisay xadgudubyo la sheegay in lagu sameeyay xabbad-joojinta, waxaana la fuliyay kadib cadaadis diblomaasiyadeed oo joogto ah oo ka yimid Shiinaha.

Sii deynta askarta waxay ka mid ahayd shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta, waxaana maxaabiista askarta ay kicisay dareenka shacabka Cambodia. Bishii Luulyo, xiriirka sii xumaanayay ee u dhexeeyay Thailand iyo Cambodia ayaa isu beddelay dagaal hubeysan oo ka dhacay xuduudda lagu muransan yahay — tan iyo markaas, tobannaan qof ayaa la dilay, ku dhowaad nus milyan oo kalena waa barakaceen.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed