Taliye Sulub oo fariin adag u diray dhalinyarad Isticmaasha baraha bulshada

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku qabanayaan cid weliba oo ku xadgudubka nidaamka iyo shuruucda Dalka waxaana uu si gaar ah uga digay Dadka Baraha Bulshada u isticmaala si anshaxa ka baxsan.

S/Guuto Sulub ayaa tilmaamay in sababta loo qaadayo tallaabadaas ay tahay in la kala badbaadinayo Bulshada waxna laga waydiinayo qof weliba waxa uu sheegay isla markaana caddeeyo kana jawaabo sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku sifeeyay in waajib uu ka saaran yahay in gacan adag ay ku qabtaan nabadgalyada, waxa uu dadka uga digay in ay ku dhaqmaan ama sameeyaan waxyeebo suuragal ah in ciqaab maxkamadeed la kulmaan.

“Booliiska Soomaaliyeed waxa uu xaq u leeyahay in uu soo xiro waxna ka waydiiyo qofkii si qaldan u isticmaala Baraha Bulshada, Waddankeennu waxa uu leeyahay shuruuc, nidaam lagu shaqeeyo oo Dalka lagu dhaqo, inta Muwaadinka loo ogol yahay wixii ka baxsan qofkii ku dhaqma waxa aan xaq u leenahay in lasoo qabto waxna laga waydiiyo, haddii lagu qanci waayo wixii uu ku hadlay waxaa loo gudbinayaa Maxkamad” Ayuu yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliya.

Waa uu sii hadlay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin waxaana uu dhallinyarada kula taliyay in ay ka fogaadaan wax weliba oo Bulshada ceeb ku ah ama qaranka Lid ku ah maadaama aanay jirin nacfi uu ka helayo sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka ku dhaqmaya waxyaabaha aan munaasabka u ahayn jiritaanka Dadkeenna, muuqaalka Dalkeenna, Ehelnimada & Dowladnimada in laga waantoobo kana gudubno oo la iska dhaafo wax aadan nacfi kuu lahayn, Dalkaaga & Dadkaagana u lahayn” S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u xiran Dad ku eedaysan in ay ka shaqaynayeen kicinta Dadka iyo in ay iska hor keenaan Beelaha Walaalaha ah, Booliiska ayaa ku goodiyay in Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda loo gacangelin doonno.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed