Soomaliland oo kashiftay Hishiisyo ay DFS la gashay Itoobiya

Wasiirka arimaha gudaha Soomaliland Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay Hishiisyo ay Dowlada Soomaliya si qarsoodi ah ula gashay Itoobiya .

“Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah la soo galay Itoobiya oo ku saabsan iskaashiga arrimaha badda iyo dhulkaba, keena madaxweynuhu markuu madaarka kasoo dagay ayuu dadka uga waramay” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirka ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal kula jirto Somaliland iyo in ay been abuur ka samaynayso heshiiska labada dhinac, isaga oo sheegay in ay is difaaci doonaan markasta.

Wasiirku waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab iska kaashanayaan burburinta Somaliland, iyada oo dowlada federaalku ay sheegtay in kaniisada Itoobiya ay imanayso Somaliland, taasi oo uu wasiirku ku sifeeyay qorshe la doonayo in dadka lagu kiciyo.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo mudaharaado ay dowladu soo abaabushay ay maalintii labaad ka dhaceen gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobolada dalka

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed