Soomaaliya oo ka hadashay khasaaraha Qatar kasoo gaaray duqayn ku dhacday Safaaraddeeda Kyiv

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyay duqayn waxyeello gaarsiisay Safaaradda Qatar ee Ukraine gaar ahaan Magaalada Kyiv.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u tacsiyayneyso Dalka Carbeed ee Qatar, waxa ay intaas kaddib in loo baahan yahay adkaynta dhaqangelinta mabaadi’da Caalamiga ah si gaar ah ilaalinta dhismayaasha Safaaradaha iyo shaqaalaha Diblumaasiyadeed.

“JFS waxa ay muujinaysaa walaac qoto dheer oo ay ka qabto khasaaraha soo gaaray Safaaradda Dowladda walaalaha ah ee Qadar ee ku taalla Magaalada Kyiv oo ah Caasimadda Ukraine ee ka dhashay duqayn, Waxa ay mar kale Soomaaliya adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee aan la taaban karin ee xarumaha diblomaasiyadeed sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, iyadoo carrabka ku adkaynaysa ilaalinta dhismayaasha safaaradaha iyo shaqaalahooda diblomaasiyadeed” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Magaalada Kyiv waxaa ka dhacday Duqayn Ukraine ay ku eedaysay in uu ka dambeeyay Ruushka, waxaa sii kordhaya Walaaca Dowladdaas ay ka muujineyso beegsiga uga imaanaya Dhiggeeda Moscow oo colaad xooggan kala dhaxaysa.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed