Somaliland oo dilka Dahable ku eedaysay DFS

Somaliland ayaa dilka Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Hay’adda Hawada ee Sooomaaliya ku eedaysay dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dilka ay uga shakisanyihiin Hay’adda NISA iyo Hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xataa ay usoo hanjabaan shaqaalaha ka hawlgala Hay’adda Duulimaadyada Somaliland.

Waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in ay baadhitaan dhab ah ku samayso kiiska Dahable, isaga oo sheegay in anay Somaliland ka hordhacayn baadhitaanka Booliiska Soomaaliya uu wado.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu Alle qoray in Dahable uu dhinto, isla markaana kaana waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in anay siyaasadayn dilkiisa, isla markaana maydkiisa ay Hargaysa usoo dirto.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay 6 qof usoo xidheen dilka Dahable, isla markaana ay wadaan baadhis.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed