Somaliland oo DFS ku eedeysay in ay lacag ka Musuqmaasuqday

Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay hore u diiday in ay fuliyaan heshiisyadii ahaa in labada dhinac ay wada maamulaan hawada, isla markaana dhaqaalaha la qaybsado.

“Mudada 6 da sanno ah ee ay hawada kaligood maamulayeen, waxa ay ku tagrifaleen lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar, oo ah qaybtii Jamhuuriyada Somaliland xaqa u lahayd, waxa magaalada Baydhabo ilaa maanta kartoomo ku jira istayshankii loogu talo galay in Hargaysa laga sameeyo” ayuu yidhi Cumar Sayid.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku xadgudubtay xataa duulimaadyadii rayidka ahaa, waxaanu sheegay in anay maanta kadib aqbali doonin in dowlada Soomaaliya ay farogaliso hawada Somaliland, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.

“Maanta laga bilaabo wixii carqalad ka yimaada maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliyaba, in anay Somaliland masuul ka ahayn, cida masuulka ka ahi waa cidaa u adeegsanaysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah” ayuu yidhi Cumar Sayid.
Dowlada Soomaaliya ayaa hawada Somaliland ka celiyay ugu yaraan 2 diyaaradood, kuwaasi oo ay sheegtay in anay duulimaadkooda sii ogaysiin hay’adda Duulista hawada Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed