SODMA oo sheegtay in ay dadaal ugu jirta ka hortagga leexsashada sahayda gargaarka ah

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dadaal ugu jirto sidii ay uga hortagi lahayd in la leexsado arrimaha Bini’aadannimada ee loogu talagay dadka barakacyaasha iyo kuwa u baahan gurmadka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri, “Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa dadaal xooggan ugu jirta ka hortagga leexsashada sahayda gargaarka bani’aadannimo.”

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in la helo dhul u gaar ah dadka soo barakacay, “Waxaa muhiim ah in dadka kasoo barokacay musiibooyinka ku habsaday degaannadooda ay Hay’addu u hesho dhul si gaar ah loogu fidiyo gargaar deg-deg ah dadka soo barokacay.”

SODMA ayaa leexsashada  gargaarka ku sheegtay in, “dadka barakacay ay degaan dhul ay leeyihiin ama maamulaan dad gaar ah taasoo beddelkeeda laga doonayo inay qayb ka mid ah gargaarkii loo fidiyay u bixiyaan kiro ahaan.”

Baaqa ka soo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli laga cabso qabo in daadad ka dhashaan Roobabka Guga iyada oo ay soo saaray digniino la xiriiro arrimahaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed