Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay is-casilaaddiisa, kaddib markii uu ka horyimid mowqifka dowladda federaalka ee diidmada aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Is-casilaaddan ayuu ku sheegay mid la xiriirta aragtiyihiisa siyaasadeed iyo waxa uu ku tilmaamay mabda’ uu rumeysan yahay.
Qoraal uu soo saaray Dubbe ayaa lagu sheegay inuu ka tanaasulay xilkii senatarnimo, isaga oo muujiyay in go’aankiisu salka ku hayo qaddiyad uu muddo ku taagnaa.
Waxa uu sidoo kale shaaciyay inuu u ambabaxayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.
“Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980” ayuu yiri Senetar Dubbe.
Cismaan Abuukar Dubbe ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda federaalka, waxaana kamid ahaa Wasiirkii Warfaafinta xilligii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

