Ra’iisul wasaare oo buuxiyay xilal ay hore isaga casileen qaar kamid ahaa Golaha Wasiiradda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Xukuumadda, si loo buuxiyo kuraas dhowaan ay iska casileen wasiirradii horey u hayay.

Xubnaha wasiiradda ee Ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa kala ah:-

  1. Xasan Maxamed: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  2. Nadiifa Aadam Isaaq: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
  3. Ismaaciil Ciid Maxamed: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Xubnahan cusub ee la magacaabay ayaa beddelaya wasiir ku-xigeennadii horey xilalkaas u hayay oo dhowaan iska casilay xubinimadii Golaha Wasiirada. Is-casilaadda mas’uuliyiintii hore ayaa timid ka dib markii uu soo kordhay khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa faray wasiirada cusub in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka rajeyneynaya in ay wax badan ka beddelaan shaqooyinka horyaalla wasaaradahooda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed