Ra’iisul Wasaaraha Australia oo sheegtay inaan lagala tashan dagaalka Iiraan

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in inkastoo Australia ay taageersan tahay ujeeddada ah “in laga hortago in Iran ay waligeed hesho hubka nukliyeerka,” haddana uusan hadda caddayn “waxa kale oo loo baahan yahay in la gaaro ama sida uu noqon doono dhammaadka arrintan.”

Hadalkiisa ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay Naadiga Saxafiyiinta Qaranka (National Press Club), taas oo ku soo beegantay xilli uu Trump jeedinayay khudbad kale.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah wax looga weydiiyay muddada uu Trump u qabtay soo afjaridda colaadda, isagoo ku jawaabay “in aan Australia lagala tashan ka hor inta uusan falkan billaaban.”

“Waxa aan si cad u sheegay ayaa ah in aan doonayno in aan aragno hoos u dhac ku yimaada colaadda, waxaana doonayaa in la aqoonsado oo si weyn loo caddeeyo sida ay tani ku dhammaanayso,” ayuu yiri.

“Australia qayb firfircoon ka ma aha dagaalkan. Laakiin dhammaan dadka reer Australia waxay la ildaran yihiin sicir-barar ay tani sababtay,” ayuu yiri.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed