Puntland oo Bosaso ku qabtay 8 qof oo Ajaanib ah kuna howlanaa amni daro

Hay’adaha Amniga ee gobalka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgallo ay sameeyeen saacadahii la soo dhaafaya, iyaga oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen  8 xubnood oo katirsan Daacish.

Xubnaha la soo qabtay ayaa la sheegay in 6 kamid ah ay ahaayeen Ajaanib, iyada oo la tilmaamay xubnahaan ay  la shaqeynayeen ninkii Ajnebiga ahaa ee ay toogteen ciidamada Amniga Puntland, xilli uu Miino ku aasayay bartamaha magaalada Boosaaso.

 

Sidoo kale, hawlgalka ay sameeyeen ciidamada ayaa sheegay in ay soo  qabteen dad gaaray 100 qof, kuwaas ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Daacish, iyaga oo sheegay in ay baaris ku socoto.

 

“Sideed Xubnood oo kale oo ay Lix kamid ah Ajaanib yihiin ayaa Ciidanku qabteen, Waa kooxdii la shaqeynaayey Ninkii Ajenabiga ahaa ee la dilay isaga oo qarax aasayay, sidoo kale 100 qof, dad gaaraya xiran oo baaritaan ku socda”. ayaa lagu yiri, qoraal ay soo saareen Ciidamada Puntland.

Puntland ayaa xoogga saartay howlgallada ka socda Gobolka Bari, waxaa heegan la geliyay ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan weerarrada & qaraxyda uga imaan kara Daacish iyo ‘AS’ oo saldhigyo ku leh dhulka buuraleyda ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed