Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa wasaxaafadeed ay soo saartay ugu baaqday in shaqaalaha Ajaanibta ay tagaan qeybta Boliiska ee Gobalka ee (CID- da), iyada oo hori wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku amartay in qof walba oo Ajnabi ah iyo kuwa u joogo Shaqooyinka xarumaha, in ay tagaan xarunta (CID- da).
Amarka Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa ahaa in la ogaado Ajaanibta shaqooyinka ay u joogaan iyo in la hubiyo sharci ku galkooda.
Sidoo kale, Wasaaradda yaa carrabka ku adkeysay in muddada soo gudbintu ay xaddidan tahay, ciddii aan soo gudbinna tallaabo laga qaadi doono.
“Muddada loo xadiday, ciddii ku soo gudbin wayda waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, ayada oo loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh”. ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Shaqada.
Ammarkaan ayaa ku soo aadayo xilli maalamahii u dambeeyay ay ciidamada Puntland wadeen hawlgallo ka dhan ah Daacish, iyaga oo shalay lix Ajaanib ah ciidanku qabteen horay na u dilay nin la sheegay in uu iibinaaya waxyaabaha la isku carfiyo, Daacishna ka tirsanaa.