Ninkii gubay Xaaskiisii oo Maxkamada gobolka Banaadir la soo taagay

Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedaysan in uu gubay Luul Cabdicasiis Maxamed oo ahayd Marwadiisa iyada oo ugu dambayn u geeriyootay dhaawaca kasoo gaaray dabkaas, isaga oo baxsad ah ayay hay’adaha ammaanka gacanta kusoo dhigeen 5dii Febaraayo 2024.

Ehelka Luul oo ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis Maxamed ayaa dalbaday in caddaaladda loo horgeeyo Sayid Cali Macallin Daauud waxaana ugu dambayn maanta oo ah 21ka Febaraayo 2024 loo muddeeyay in maxkamadayntiisu dhacdo.

Ninkaan ayaa gacanta bidix dhaawac ka ah lama sheegin in uu ku gubtay dabkii uu qabansiiyay marwadiisa iyo in kale, waxaana xeer ilaalinta iyo qareenka Sayid Cali ay is dhaafsadeen doodo sharciga la xiriira oo ay uga hadlayeen kiiskaan.

Fadhiga Maxkamadda oo aad u buux-dhaafiyeen Ehelka labada dhinac, Dad daneenaya kiiskaan & shaqsiyaad kale, waxaa guddoominaya dacwad oogista & ka jawaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed