MW Xasan Sheekh oo ka hadlay Hishiiska ay Turkiga la gashay Dowladiisu

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay Villa Somalia ayaa ka hadlay heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga, kaas oo maanta ay meelmariyeen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, “Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya, ma jirto dowlad kale oo lagu colaadinayo.”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay heshiiskaan ayaa yiri, “Heshiis difaac iyo horumarin dhaqaale waaye heshiiska maanta baarlamaanka ay ansixiyeen, Turkiya waa dalkii ugu horeeyay ee diyaar noola ah difaac badeena.”

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay dagaal u galayaan sidii Badda Soomaaliya loogu xorreyn lahaa Burcadda, isaga oo arriahaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Waxa aan dagaal u galaynaa in aan Baddeenna ka xorrayno Burcadda & kuwa ku xadgudbaya.”

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskaan ay wada saxiixeen Wasiirrada Difaaca labada dal ayaa sheegay in heshiiskaan uu soo socday muddo, “Heshiiskaan muddo ayaa laga soo shaqaynayay balse arrintaan Itoobiya way isku soo aadeen.”

Heshiiska oo ay saakay meel mariyeen golaha wasiiradda, ayaa waxaa maanta si wadajir ah u meel mariyay labada aqal ee baarlamaanka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed