MW Muuse Biixi oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo faah faahin ka bixiyay heshiiska Itoobiya iyo xukuumadiisa, ayaa sheegay in aan la bixinin bada Somaliland, lakiin saldhig millateri Itoobiya laga kireeyay.

Biixi oo maanta kusoo laabtay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in warka ah in bada la iibiyay anay waxba ka jirin, isaga oo sheegay in heshiiska Itoobiya lala galay uu yahay mid loo eegay dastuurka iyo shuruucda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland uu xaaraantinimaynayo, in la iibiyo dhulka Somaliland, isla markaana anay ahayn wax dhici kara, waxa uu sheegay in heshiisku uu ku salaysanyahay waxa uu dastuurka Somaliland ogolyahay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed