MW JFS Xasan Sheekh: “Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ogol in la I dhaho aragtidaan kulama-qabo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay kulamada kala duwan ee looga hadlayo xal u helista kala aragti duwanaanta si meel loo wada dhigo dhammaan waxyaabaha lagu kala duwan yahay.

Waxa uu sheegay in uu yaay Madaxwenaha Jamhuuriyadda qof weliba oo ka aragti duwan uu dhihi karo ‘’Kulama-qabo aragtidaan” taasina ay tahay arrin muujineysa in qofkaas iyo isaga aanay isu aragti ka ahayn qodobkaas.

Kulamada wadatashiga ah ayuu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay sii soconayaan si la isu dhageysto oo qof weliba loogu tixgeliyo aragtida uu qabo, haddii meel dhexe la isugu imaan karana ay kasii fiican tahay.

“Shaqo fiican oo billow ah ayay qabteen odoyaashii shiray labadii cisho lasoo dhaafay, kala aragti duwanaanta waa mid jirta, aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ogol in la I dhaho aragtidaan kulama-qabo oo ra’yigaan kan ayaa igala fiican, Rasuulka NNKH khalqi ilaahey abuuray oo ka nasahnaa oo ka karaama badnaa ma jirin, in uu bani aadamyahay ayuu aqbalsanaa oo waxaa la dhihi jiray, yaa rasuullaah ma waxyi baa mise waa ra’yi” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in bilo gudahood la dhammeystirayo Dastuurka Dalka, u codeynta Shacabka Soomaaliyeed ee Dastuurkaan ayuu ku tilmaamay howl kale, halka uu si cad ugu dhawaaqay in aanay lala aadi doonin Dibadda.

“Dastuurka bilo gudahood insha allaah waan dhammeystireynaa, Dadka Soomaaliyeed in ay u codeeyaan oo cod loo qaado waa howl kale, waxa aan mamnuucday in dalka dibaddiisa lala aado, buuggaan oo leeyahay waa dastuur dhammeystiran ayaa nalaga rabaa, Dadka waa lala tashanaa oo maalinba meel ayaan tageynaa, ilaahey idinkiis xuduudaha meel loogama bixinaayo” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS Waxa uu meesha ka saaray in Beesha Caalamka lagu weydiisanayo dhaqaalaha ku baxaya Dastuurka in la hagaajiyo, halka uu si cad u sheegay in dhaqaalaha ay awooddo Soomaaliya lagu qabanayo howshiisa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed