MW Deni ” Puntland diyaar bay u tahay wadahadal fagaare ah ”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in Puntland ay diyaar u tahay in ay wada-hadal la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo Khilaafka labada dhinac.

“Puntland haddaan nahay waxaan rabnaa in aan qirno in aan Wada-hadal diyaar u nahay. Puntland waxay diyaar u tahay meel fagaare ah in lagu wada-hadlo oo aan qol qarsoodi ah ahayn, haddaan qaldanahay in nala qabto baan rabnaa, haddaan saxanahay-na in nala ayido” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay Maskax iyo maal ku bixinayso isku keenista dadka Soomaaliyeed, si khilaafaadka Soomaaliya xal waara loogu heli lahaa waxaana uu yiri “Puntland waxay diyaar u tahay isku keenista Soomaaliya in ay maskax iyo aqoon iyo dhaqaale-ba ku bixiso”.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkani ka sheegay kulan Casho ah oo uu xalay u sameeyay hay’adda PDRC iyo Marti sharaf isaga kala timi dalka iyo dibedda oo ka qeybgashay Shir ku saabsan nabadda oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed