MW Deni oo eedeymo u jeediyay Dowlada Soomaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku cadaadisay inuu aqbalo wax ka beddelka dastuurka, si Puntland loogusoo fasaxo mashaariicda uga xanniban dowladda.

Madaxweyne Deni oo khudbada u jeedinayay Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Puntland lagu cadaadiyo dhaqaalihii Soomaaliya loogu talo galay in looga beddesho dano siyaasadeed oo ay dowladda federaalka ka leedahay dastuurka.

“Waxaan gorgortan ka gali weynay in hoos loo dhigo nidaamka federaalka. Waxaan iska diidnay in dhaqaalaha adduunku ugu talo galay Soomaaliya, oo qeybta ay Puntland leedahay noolaga beddesho in dastuurka lagu marin habaabiyo,” ayuu yiri madaxweyne Deni

Halkan ka daawo Khudbada Madaxweyne Deni 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed