MW Deni ” Nama quseyso wixii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga ”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay shirkii uu bannaan joogga uu ka ahaa ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee maalmihii u dambeeyay uga socday Magaalada Muqdisho lagana soosaaray warmurtiyeedka.

Siciid Deni ayaa weerar toos ah ku qaaday Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay ‘mid aanay ka tarjumayn maslaxo ama dan u ahayn Shacabka Soomaaliyeed’ sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa tilmaamay in danaha guud aanay ka go’aan gaari Karin dhowr qof balse loo baahan yahay in laga wada qaybgalo si go’aannada laga saarayo laga dhigo mid hirgashada sida uu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxa aan rabaa in aan halkaan ka caddeeyo waxyaabaha Golaha Wadatashiga qaranka ka socda wax Puntland ay qayb ka tahay ma ahan, wax ay raalli ka tahayna ma aha Laakiin intaa u dhaafimaayo, waxa aan rajaynayaa in Bulshada Soomaaliyeed inta indhaha furaan iyagu garsooreyaal noqdaan, waxa aan diidanahay waa waxa hadda socda oo kale, waxaas ummad maslaxadeedu laguma heli karo, waxa aan u baahanahay goleyaasha Dowladda hoggaaminaya in ay isku yimaadaan lagana wada qaybgeliyo Dadka warcad laga soosaaro” Siciid Deni, Madaxweynaha Puntland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed