Bayaan kasoo baxay shir madaxeedka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ka dhacay ayaa lagu soo daray qayb kamid ah oo si gaar ah looga hadlay xaaladda ka taagan Jamhuuriyadda Suudaan iyo baaq furan oo loo diray dhinacyada is haya.
Ciidamada labada Janan ay kala hoggaaminayaan ayaa loogu baaqay in ay ku dhawaaqaan Xabbad-joojin degdeg ah oo fure u noqonaysa in gargaar bani aadamnimo lala gaaro dadka dhibaatooyinka ka dhaxlay colaaddaas iyo in wadahadal guud la yeesho.
Midowga Afrika ayaa cambaareeyay gacmaha shisheeye ee ku jira Suudaan, waxa uu ugu baaqay in ay faraha kala baxaan xaaladda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta oo lagu xalin karo inay kawada hadlaan dhinacyada is haya sida hadalka loo dhigay.
“Waxa aan dhinacyada Suudaan ugu baaqaynaa in ay xabbad-joojin bani aadamnimo ku dhawaaqaan, wixii intaas ka danbeeya waa in ay wadahadlaan si loosoo afjaro colaadda sokeeye ee dadka saamaysay, waxaan cambaarayneenaa faragelinta shisheeye” Ayaa lagu yiri Bayaanka Midowga Afrika kasoo baxay.
Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa dusha laga saaray in ay qayb weyn ka qaadanayso sii socoshada Colaadda ka jirta Suudaan maadaama ay taageerto kooxda Gurmadka Degdega ah ee RSF loosoo gaabiyo, kooxdaas ayaa dambiyo culus ka gaystay Dalkaas.

