MD Deni oo kulan la qaatay qaybo ka mid ah bulshada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay qaybo ka mid ah bulshada Puntland ee ku sugan magaalada Garowe, kuwaas oo inta badan siyaasadiisa taageersan.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo doorka Puntland ee dowladd dhiska Soomaaliya, sida lagu sheegay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay isbedelada sida xowliga ah uga socda gobolka oo loola jeedo aqoonsiga Israa’iil siisay maamul Somaliland.

Waxaa la sheegay in madaxweynaha Puntland sii wadi doono kulamo uu la yeellanayo goleyaasha dowladda, siyaasiyiinta, haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaasi ka soo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee sowladda Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo.

Kulamadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo aysan weli dowladda Puntland caddeyn mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed