Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirro u muuqday inay qayb ahaan ka jawaabayaan su’aalo maamlihii lasoo dhaafay ka taagnaa baraha bulshada oo ku aaddan qorsheyaasha socdaalkiisa.
Sawirrada ayaa muujinayay isaga oo saaran diyaarad helikobtar ah oo leh lambarka duullimaadka HB-ZYI.
Diiwaannada duulista ee dadweynaha, sida ADS-B ayaa tilmaamaya in helikobtarkaasi ka diiwaangashan yahay Switzerland.
Lama hubo in hadda helikabtartaasi ku sugan tahay hawada Switzerland, oo magaaladiisa Davos uu ka socdo shir-sanadeedka World Economic Forum ee 2026.

