Duulimaadyada ka baxaya Soomaaliya ee aadaya dalka Masar ayaa manta si caadi ah u shaqeynaya, iyadoo aysan waxba iska badalin socdaalka labada dal.
War qoraal ah oo ay soo saartay Shirkadda Diyaaradaha ee EgyptAir ayaa si rasmi ah loogu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in la joojiyay aqbalidda Baasaboorka Soomaaliga ee lagu tago dalkaas.
Qoraal ka soo baxay EgyptAir ayaa lagu caddeeyay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid nidaamka socdaalka, isla markaana rakaabka wata Baasaboorka Soomaaliga ee haysta oggolaanshaha ay u safri karaan Qaahira si caadi ah.
Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inuu sidiisii yahay isu-socodka labada dal, iyadoo dadweynaha loogu baaqay inaysan aaminin wararka aan xaqiiqada ku fadhin.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in la joojiyay Baasaboorka Soomaaliga oo lagu tago dalka Masar.
Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed iyo saaxiibtimo dhow, waxaana ay wadaagaan arrimaha Waxbarashada, Siyaasadda, Ganacsiga iyo Siyaasadda.

