Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ka taageerayo adkeynta amniga xuduudaha dalka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinisyadda Soomaaliyeed, Mustaf Dhuxulow ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ku simaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Justin Davis.

Kulanka ayaa diirada lagu saarey iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga gaar ahaan dhinaca Xuduudaha.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii loo maareyn lahaa dadka socdaalka ah ee doonaya in ay ka baxaan wadanka.

Danjiraha Mareykanka ayaa ballanqaaday in ay qeyb ka qaadan doonaan dhisidda awoodda iyo aqoonta shaqaalaha, iyo horumarinta hababka xoojinta socdaalka iyo amniga xuduudaha dalka.

Hore Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa u gaarey heshiisyo lagu adkeynayo amniga dalka, si looga hortago falalka ka hor imaanaya sharciga iyo nabadgalyada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed