Maraykanka oo ku qasbanaaday in uu Iiraan ka dulqaado Xayiraadda

Iiraan ayaa guul kale oo muhiim ah ka gaartay dagaalkii billowday 28kii Febaraayo 2026 iyada oo markaan uu u furmay albaab 30 sano ka xirnaa oo ah in Washington ay qaadday si kumeel-gaar ah xayiraaddii dhinaca dhoofinta shidaalka Tehran ee Maraykanka.

War kasoo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in muddo 30 cisho ah oo ku siman 19ka April 2026 in si kumeel-gaar ah loo fasaxay shidaalka Iiraan ee loo iibgayn karo Dalkiisa si loo qaado culayska dhaqaale ee Washington ka dhaxashay duullaankii ay qaadeen.

Iiraan ayaa fursaddaan ku helaysa in ka badan 14 Bilyan oo Doollar, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Tehran ay wadato shuruudo kale oo ay ku sandulaynayso dhiggeeda Washington iyada oo ka faa’iidaysanaysa guulaha ay ka gaartay dagaalka socda.

Shidaal laga qaaday Iiraan oo Maraykanka loo iibgeeyay waxaa ugu dambaysay sanadkii 1996dii waana waqtigii uu curtay kacaanta talada haya, Maraykanka oo horay isku dhufsaday xisaab ah haddii uu dilo hoggaanka sare ee dalkaas in ay Tehran is dhiibayso ayaa dhici waysay.

Maamulka Trump oo ka waji dhaqanaya dhibaatada kasoo gaartay dagaalka Iiraan ayaa liiskaan fasaxa cunaqabataynta ka reebay Dalalka Ruushka, Kuuba & Waqooyiga Kuuriyada halka Tehran uu kasoo saaray qaanaddaas oo sanado badan kula jirtay Dalalkaas.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed