Madaxweyne hore Farmaajo oo la kulmay safiirka Turkiga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho, Alper Aktaş.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen xaaladda siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay madaxweyne hore Farmaajo.

Farmaajo ayaa yiri “Waxaan kulan mirodhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabbilsan dalkeenna, Danjire Alper Aktaş, oo igu soo booqday hoyga aan ka deggenahay Muqdisho”.

“Daljiraha waxaan ka wada hadalnay xaaladda siyaasadda, amniga iyo sidii loo xoojin lahaa kobcinta maalgashiga dalka. Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu naga dhexeeyo xiriir soojireen ah ayaan ku bogaadiyey taageerada ay mar walba u muujiyaan dalkeenna” ayuu raaciyay.

Safiirka Turkiga waxa uu maalmihii u dambeeyay la kulmayay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isaga oo maalmo ka hor la kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed