Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa sheegay in uu diyaar u yahay dagaalka uu ku tilmaamay in uu yahay mid nacasnimo ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku beegsanayo Madaxda Laatiin Ameerika ee ka fikirka duwan.
Gustavo Petro Waxa uu beeniyay eedaha uga yimid Donald Trump ee ah in uu ka shaqeeyo iibinta iyo kala gudbinta daroogada halista ku ah Maraykanka, Shidaalka oo si sharciga baalmarsan uu u isticmaalo & kuwo kale.
Eedahaas oo dhan waxa uu Gustavo Petro ku tilmaamay kuwo uu Trump ku doonayo in uu ku bannaysto maalka iyo shidaalka Dalalka doonaya in ay dunida inteeda kale kula dhaqmaan si ka duwan sida uu doonayo sida uu hadalka u dhigay.
Gunaanadkii Petro ayaa si cad u sheegay in uu diyaar u yahay dagaalka Donald Trump isla markaana aanay cabsi gelin doonnin howlgalkii lagu qabtay Madaxweynihii Venezuela Nicolas Madura oo uu xusay in ay shirqooleen calooshood u shaqaystayaal.

