Israa’iil oo xannibtay kolonyo cunto ah oo Qaramada Midoobay u dirtay waqooyiga Gaza

Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in kolonyo gargaar ah loo diiday in ay galaan waqooyiga Qaza ciidamada Israa’iil.
WFP waxay tiri “si looga hortago macluusha”, waa in la helo waddo loo maro waqooyiga Gaza.
Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajoodka xabad joojinta uu socdo balse “kubaddu waxay taalaa maxkamada Israel”, halka Maraykanku uu sheegay in caqabadaha ku hor gudban xabbad joojintu aanay ahayn “mid laga gudbi karo”.
Duqeymo ay Israa’iil ka geysatay tuulada Hula ee koonfurta Lubnaan ayaa waxaa ku dhintay dagaalyahan ka tirsan ururka Xisbullah, xaaskiisa iyo wiil ay dhaleen.
Ugu yaraan 30,631 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 72,043 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed