Iran oo ku hanjabtay in holaca dagaalka Iran uu is qabsan doono gobolka oo idil

Wakaalada wararka ee Fars News Agency oo u dhaw IRGC ayaa baahisay muuqaal ay Iran ridayso gantaalo, iyada oo tiri “Tani waa jawaabta Iran ee khaladka istiraatijiyadeed ee Maraykanka”.

Mawqifka Iran ee ku saabsan suurtagalnimada weerar millatari ayaa mar kale lagu celiyay, iyadoo sheegtay in “khalad kasta oo istaraatiijiyadeed ama waxyeelo soo gaarsiiya hawada Iran ay la macno tahay in dab laga shidayo gobolka oo dhan.”

Warbixintan dacaayadda ah ee ay soo saartay wakaaladda wararka ee IRGC waxay muujinaysaa in “xasaradda ugu yar ee ka dhacda aagaan ay sababi karto falcelin aan la saadaali karin oo ka timaada Iran.”

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bisha Febraayo fagaaraha Enghelab ee magaalada Tehran waxaa lagu soo bandhigay sawir gacmeed cusub oo muujinaya markab Mareykan oo la bartilmaameeday, oo dhiig ka daadaanayo.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed