In ka badan 6 duullimaad oo muwaadiniin Maraykan ah oo maanta laga qaadayo Tel Aviv

Shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee El Al oo fulinaysa heshiis ay la gashay Maraykanka ayaa maanta daabulaysa muwaadiniin haysta dhalashada Dalkaas oo muddo ku go’doonsanaa Dhulka Yuhuudda ay xoogga ku haysato gaar ahaan Tel Aviv.

6 duullimaad oo maanta baxaya ayaa lagu daadguraynayaa Dadkaas oo saamayn taban ku reebtay colaadda gaar ahaan duqaymaha culus ee Iiraan ay ku burburisay goobaha ay gabbaadsanayeen iyada oo cabsi xooggan ay jirto.

Maraykanka ayaa lacag badan ku bixiyay safarradaas gaarka ah si maamulka Madaxweyne Donald Trump uga badbaado dacwad Mustaqbalka ay ku furi karaan Dadkaas oo ah in uu dayacay amnigooda sida ay ku warrameen ilo ku dhow Safarkaan.

Diyaaradda El AI ayaa caga-dhigan doonta New York City waxaana Muwaadiniintaan loo qoondeeyay in la geeyo goobo gaar ah oo lagu qarinayo xogtooda si aanay Warbaahintu u waraysan ama ula kulmin sida hadalka loo dhigay.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa xoogga saaraya sidii uu Muwaadiniintiisa isugu jirta Shacabka iyo Ciidanka uga saari lahaa Bariga Dhexe, kaddib markii Gantaallada Difaaca ay ku fashilmeen in ay qabtaan hubka culus ee Iiraan ka imaanaya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed