Hay’adda NISA oo iska difaacday eedeyn uga timid Hormuud

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay xarigga saddex kamid ah shaqaalaha shirkadda hormuud inuu ka dambeeyo, kadib markii ay shirkaddu diidday in fatashaad lagu sameeyo dhaqdhaqaaqa iyo koontooyin maaliyadeed oo ay leeyihiin shakhsiyaad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

War saxaafadeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

dhinac kale shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa eedeyn u jeedisey hay’adda sirdoonka ee NISA kadib markii ay khal-khal gelisey ganacsigeeda sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtey in saraakiil ka socotey NISA ay mid kamid ah xarumaheeda ku yaala degmada Hodan ka dalbatey in ay u daabacaan dhaqdhaqaaqa lacagta Mobileka ee EVC loo yaqaan dad ka mid ah macaamiisha shirkadda taas oo shirkaddu diidey, kadib saraakiil ka socotey NISA ayaa xabsiga u taxaabey laba kamid ah shaqaalaha Hormuud.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed