Hay’adda Caalamiga ah ee Quadda Atoomikada ee magaceeda loo soo gaabiyo IAEA, ayaa sheegtay in Iiraan ay ku wargelisay in gantaal uu ku dhacay warshad koronto oo ku taal magaalada koonfureed ee Bushehr.
Madaxa hay’addaas Rafael Grossi ayaa ku celiyay baaqiisa ku aaddan xakamaynta ugu badan si looga fogaado khataraha badbaadada nukliyeerka.
Waxaa jiray qaraxyo ka dhacay bariga, waqooyiga iyo bartamaha Tehran habeenkii Talaadada iyadoo Israa’iil ay xaqiijisay inay qaadday weerarro cusub.
Wararka ayaa sheegaya in Iiraan ay gantaallo ku dhufatay Israa’iil, Kuwait, Urdun iyo Baxrayn. Hal gantaal ayaa ku dhacay taangi shidaal oo yaal garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kuwait, taasoo keentay inuu dab qabsado.
Hay’adda duulista rayidka ayaa sheegtay in dabka la xakameeyay mana jirin wax khasaare ah.

