Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo wax laga weydiiyay hadalkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ahaa in uu aqoonsiga uu ku dhawaaqay ee Somaliland uu la wadaago Trump ayaa si cad uga hor yimid in uu dhankiisa aqoonsanayo kuna raacayo Netanyahu.
Isaga oo Waraysi siiyay The Post waxa uu Donald Trump si aan ka gambasho lahayn ula soo booday in uusan ku mowqif ahayn Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sababta go’aankaan ku dhalisay.
Donald Trump oo ku sugnaa xiligaas goobtiisa golf-ka ee West Palm Beach ayaa fudud u dhahay “Ma aqoonsan dooni Somaliland, Miyaad dhab ahaan u ogtahay waxa ay tahay Somalilalnd? Waxa aan u baahanahay in aan daraaseeyo.”
Hadal uu baahiyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil waxa uu ku sheegay in uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u gudbin doonno in Somaliland ay ku biirto Heshiiska Abraham oo ay ku jiraan Dalal badan oo Carbeed kaas oo dhaqaaqi waayay ama socon waayay.

