Dibloomaasiyiin u Olloleeya Aqoonsiga Somaliland oo fursad kale helay

Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Afrika, Danjire Tibor Nagy, oo safka hore kaga jira ololaha ictiraaf raadinta Somaliland, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in uu dib uga hawlgelayo Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Danjire Nagy ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X waxa uu ku sheegay in uu dib uga hawlgelayo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, isla markaana aanu fikiradiisa shakhsiga ah ku baahin doonin baraha bulshada wixii hadda kadib.

Sidoo kale, Danjire Dr. J. Peter Pham, oo hore u ahaan jiray danjiraha Maraykanka u qaabilsanaa waddamada Saaxiil ee Afrika, ayaa la filayaa in uu mar kale ka halwgalo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Afrika, sida ay warbaahinta caalamiga ahi qortay. Danjire Pham ayaa isaguna kamid ah dibloomaasiyiinta sida joogtada ah baraha bulshada uga difaaca qadiyadda Somaliland.

Nagy iyo Pham ayaa ka mid ah dibloomaasiyiinta caanka ah ee sida adag uga soo horjeeda “Siyaasadda Soomaaliya Midaysan” iyagoo u arka in Maraykanku uu fursad weyn luminayo haddii uusan Somaliland u aqoonsan dowlad madax-bannaan. “In Trump uu aqoonsi siiyo Somaliland si kasta waa mid dan ugu jirto Maraykanka,” ayuu yidhi Danjire Nagy.

Labadan danjire oo saaxiib ah, ayaa la filayaa in ay wax ka beddel ku sameeyaan siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee ku aaddan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, xilli ay warbaahinta caalamiga ahi qoreyso in laga yaabo in Trump uu aqoonsado Somaliland.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed