Dibadbax ka dhan ah Faragelinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Daljirka Daahsoon waxaa ka socda dibadbax ka dhan ah Faragelinta sii xooggaysatay ee Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya iyo dalka ay kala goyso Yuhuudda, waxaa ka qaybgalaya Culimo iyo dad kale.

Khudbado ay jeediyeen qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed waxa ay ka hadleen dhibaatooyinka diimeed ee Yuhuudda ku yeelan karto Dalkeenna haddii aan laga hortagin iyo fariin ay u direen Madaxda Maamulka Somaliland.

Abwaanno goobta ka jeediyay Gabayo iyo suugaan kale waxa ay ku cabireen sida aan looga maarmin midnimada iyo wadajirka Dalka, waxaana ay ka digeen in la dhayalsado dhibaatooyinkaas ku hoos duugan soo dhaweysashada Yuhuudda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed