DFS oo war cusub ka soo saartay weerarkii Hotelka SYL

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sharciga horkeenayso shabakaddii ka dambeysay abaabulka weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda ayaa lagu sheegay in hay’adda NISA ay gacanta kusoo dhigtay 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in lagu guulaystay in lasoo soo qabto Abdinaasir Daahir Nuur oo lagu sheegay inuu yahay shaqsigii suurta-galiyay in magaalada Muqdisho ay soo galaan gawaarida falka weerarka lagu gaystay.

Sidoo kale, dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada gaari ee Shabaabku u adeegsadeen weerarka Hotelka SYL.

Dowladdu waxay sheegtay in ay baaris ku socoto shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha Shabaabku ay ka soo gudbeen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed