DFS oo sheegtay in duqayn ka dhacday Jilib lagu dilay xubno katirsan AS

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal duqayn ah oo ciidamada Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubada Dhexe lagu dilay xubno katirsan AS

Howlgalkaan oo xalay dhacay waxaa loo adeegsaday Duqayn, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa ay tilmaamtay in lagu duullay xog ay hayeen Hay’adaha kala duwan ee Dowladda laguna dilay 15 xubnood oo AS katirsan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalkaan ku sheegtay mid muujinaya awoodda ciidamada Soomaalida ah ay u leeyihiin ku howlgelidda Diyaaradaha oo la ballaariyay sida hadalka loo dhigay.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS:-

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed