DFS oo shaacisay in dalka galayo Marxalad doorasho qof iyo cod ah

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu shaaciyay in dalka galayo doorashooyin toos ah oo lagu dadaalayo in ay noqoto mid hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu xusay in doorashadu tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadin kastaa leeyahay, isla markaana ay tahay albaab kor loogu qaadayo kalsoonida dadweynaha, hufnaanta, iyo ka qaybgalka bulshada ee doorashada cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dowladda.

Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyey in geeddi-socodka doorashooyinku uu yahay mid toos ah, xor iyo xalaal ah kaas oo salka ku haya mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xaqiijisay in dhammaan hey’adaha ku shaqada leh geeddi-socodka doorashooyinka ay dhowaan gudan doonaan waajibaadkooda qaran si waafaqsan shuruucda dalka u yaalla.

 

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed