DFS oo kaabiga ku haya magaalada Baydhabo

Xiisad colaadeed ayaa la dareemayaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba oo qiyaastii 60 km isu jira, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac waxay saacadihii u dambeeyay halkaas ku daadgureeyay ciidamo farabadan, iyada oo laga cabsi qabo dagaal deegaannadaas ka qarxa.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen.

Xiisadda labada dhinac waxay salka ku haysaa khilaafka doorashada maamulkaas ee u dhaxaysa maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood ka tirsan yihiin dowladda Federaalka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed