DFS oo hawadeeda ka celisay diyaarad ka diiwaangashan Thailand

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ka celisay Hawada Soomaaliya diyaarad ka diwaangashan dalka Thailand, kana soo  duushay magaalada Sharjah ee Imaaraatka Carabta.

diyaaradan ayaa ku wajahnayd Magaalada Hargeysa, iyadoo ahayd mid xamuul ah, waxayna diiday in ay faahfaahiso Xamuulka (Cargo) ay wado.

Macluumaad hordhac ah ay sheegayaan in ay qalab ay Xukuumadda SL soo gadatay oo ciidan u badnaa ay waday diyaaradu.

Diyaaradan ayaa loo diiday in ay gasho Hawada Soomaaliya, iyadoo lagu amray in aysan isku dayin talaabo qar iska xoornimo ah, waxaana la xaqiijiyey in ay laabatay.

waa diyaaradii labaad oo mudo 24 saacadood gudohood aha laga celiyo hawada Soomaliya taas aan haysan ogolaansho islamarkaana ku socotay Hargeysa

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed