Jarmalku waxa uu hoy u yahay jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta ugu badan ee Yurub, waa bulsho lagu garto kala duwanaansho qawmiyadeed. Shan milyan iyo bar ka mid ah Muslimiinta Jarmalka, oo ka kooban 6.6 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha, waxaa kujira ilaa 2.5 milyan oo asal ahaan Turki ah.
Balse waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu culeyso aan hore loo arag ku soo rogay qaar ka mid ah Muslimiinta iyo Carabta ku nool Jarmalka, iyadoo isku duubnida Falastiin iyo sidii loo muujin lahaa isku isku xirnaan ay u noqotay xaalad kadhex taagan dadwaynaha dalkaasi ku nool yihiin.
Go’aanno iyo sharci ayaa la soo saaray, kuwaas oo xannibaya abaabulka mudaaharaadyada, iyo kuwo kale oo mamnuucaya xirashada dharka qaarkood, sida kuwa astaamaha u ah Falastiiniyiinta, iyadoo laga mamnuucay goobaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Berlin.
Gobolka Saxony ayaa ku dhawaaqay in shuruudo cusub lagusoo kordjiyay qaabka lagu heli karo dhalashada Jarmalka, taasoo ka mid ah sharciyadii ugu dambeeyay ee khilaafka baahsan dhaliyay. Toddobaadkii hore, dowladda Jarmalku waxay ku soo rogtay kuwa codsanaya dhalashada dalkaas in ay caddeeyaan taageerada ay u hayaan jiritaanka Israa’iil.
Wareegtada ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in “Israa’iil ay xaq u leedahay in ay jirto, taasna ay la micno tahay jiritaanka dowladda Jarmalka”, sidaas awgeed, codsadayaasha waa in ay arrintan ku qaab qirtaan qoraal ahaaneed.
Mas’uuliyad gaar ah oo ku wajahan Israa’iil
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in xannibaadaha loosoo rogay si loo joojiyo kacdoonka dadweynaha iyo la dagaallanka Yuhuud nacaybka.
Kadib xasuuqii 6 milyan oo Yuhuud ah oo ku jiray gacanta dowladdii Nazi ee Jarmalka intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka, dowladda Jarmalku waxay aaminsan tahay in ay “mas’uuliyad gaar ah” tahay ilaalinta Israa’iil.
Isagoo cambaareynaya weerraradii ay qaadeen mintidiinta Xamaas 7-dii Oktoobar, oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof Israa’iiliyiin ah, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, ayaa yiri, “Waqtigan la joogo, waxaa jira ha Jarmal, oo ah dhinaca Israa’iil.
Waxa kale oo uu adeegsaday ereyo uu ku xoojinayo jiritaanka dowlad Israa’iili ah, in ka badan hal mar si uu u adkeeyo in ilaalinta Israa’iil ay tahay sababta jiritaanka ee Jarmalka. Raiisel wasaarihii hore Angela Merkel ayaa hore u isticmaashay erayo lamid ah.
“Jawi cabsi iyo walaac ah”
Carabta ku nool Jarmalka ayaa ka hadlay sida ay u arkaan siyaasadda dalka, taas oo ay aaminsan yihiin in aan la dhageysan isla markaana la iska indha tirayo taariikhda Falastiiniyiinta.
Sarah oo ah qareen Falastiini ah oo deggan magaalada Berlin ayaa sheegtay in ay jiraan booqashooyin lagu tago iskuulada magaalada, kuwaas oo ay fuliyaan hay’ado israa’iil ah, si ardayda loogu sheego taariikhda Yahuudda iyo faafinta wacyiga ku saabsan waxa ay sameynayaan, laakiin waa dugsiga wiilkeeda oo 9 jir ah. Marna kam ay hadlin aragtida falastiiniyiinta iyo sababta ay u barakiciyeen boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah.
Sarah ayaa intaa ku dartay, “Wiilkayga ayaa bilaabay inuu ooyo kadib qudbad uu dhageystan, taasoo aan waxba looga sheegin asalkiisa iyo taariikhda dalka uu ka maqlay qoyskiisa iyo awoowyaashiis oo ka hadlaya.”
Sarah waxa ay sheegtay in ninkeeda uu uga digayo wiilkooda in uusan ka hadlin dhulka Falastiiniyiinta iyo dagaalka Qasa xilliga uu joogo iskuulka, si looga fogaado dhibaato kasta ama isfaham la’aan.
Alaa Ihsan, oo ah saxafi deggan Hamburg, ayaa sheegay in uusan hadda ka shaqaynayn wax warbixin ah oo ku saabsan dagaalka Qasa, isla markaana uu doorbido wararka maxalliga ah sababtoo ah “warbaahinta Jarmalka waxay si buuxda u taageertaa sheekada Israa’iil.” Waan ogahay in warbixin kasta oo aan ka qoro Qasa ay wax ka beddeli doonaan maamulayaashayda sida waafaqsan siyaasadda tifaftirka ee hay’adda. Waxaan isku dayaa inaan taas ka fogaado.”
Taariikhda murugsan iyo dhibaatooyinka sharciga
Qiyaasta tirada Falastiiniyiinta ee Jarmalka ayaa lagu qiyaasay in ka badan 100,000, isla markaana, Berlin waxay hoy u tahay jaaliyadda ugu badan ee Israa’iil ee Jarmalka.
Katerina Galor, oo ku takhasustay daraasaadka Yuhuudda oo ka tirsan Jaamacadda Brown ee Maraykanka, haysatana laba dhalasho Jarmal iyo Israa’iil kala ah, ayaa sheegtay in Inta badan dhacdooyinka Yuhuuda nacaybka ah ee ka dhacay Jarmalka tan iyo 2015-kii ay fuliyeen Jarmal cad, aysanna ahayn qaxooti.
Laakiin dabcan, Galor waxa ay leedahay, waa in aan sidoo kale aqoonsanno “in Jarmalku inta badan ay u janjeeraan dhinaca kale”.
Ugu dambeyntii, Galor wax ay muujisay walaaceeda ku saabsan wargeys kasoo baxa Jarmalka “iyaga oo ku andacoonaya in dhammaan dibad-baxayaashu ay taageeraan argagixisada, taas oo ah marin habaabin.” Dadka badan ee mudaaharaadayaasha ah ayaa hubaal ah inay ku jiraan noocyo badan, oo ay kamid yihiin kuwa leh fikrado adag.”
Galor waxa ay sharraxday in Falastiiniyiintan ay la kulmaan caqabado ay ku cabirayaan fikradahooda, iyo aqoontooda, iyaga oo aan loo arkin inay cadow ku yihiin Israa’iil.
“Falastiiniyiintu way ku adag tahay inay ka soo muuqdaan telefishannada ama ay bixiyaan waraysiyo iyada oo aan lagu eedayneyn Yuhuud nacayb. Dhibaatadan waxay ku sii fidaysaa aqoonyahannada Falastiiniyiinta, inkastoo aysan ku dhaqaaqin wax hadal siyaasadeed ah, waxay la kulmeen ka noqoshada martiqaadka si ay uga qayb qaataan dhacdooyinka iyo khatarta ah in lagu calaamadiyo nacaybka Yuhuudda. Xaqiiqda ah in qofku yahay Falastiini ayaa ka dhigaysa markasta qof eedeysan.
Galor waxay hadalkeeda ku soo gabagabaysay iyadoo leh, “Jarmalka waxa ka jira xiriir cad oo taariikhi ah oo u dhexeeya Jarmalka iyo lama huraanka aasaaska Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka kale, ee ay dowladda Jarmalku iska indho tirtay, waa xiriirka kale ee ka dhexeeya Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta, kaas oo horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka qaxootiga ee ugu weyn adduunka.”