Daadad ku dhuftay Afghanstan oo khasaare dhaliyay

Saraakiisha Afgaanistaan ayaa sheegay Axadii shalay, in tirada dadka ku dhintay daadadkii Jimcihii ku dhuftay waqooyiga gobolka Baghlan ee dalkaasi ay gaartay ugu yaraan 315, iyadoo in ka badan 1,600 oo qof ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda qaxootiga ee Afghanistan ayaa warkan khasaaraha la xiriira ee ugu dambeeyay ku soo bandhigtay, barteeda X oo hore loo oran jiray Twitter.

Waxa ay sheegtay in in ka badan 2,600 oo guri ay “gebi ahaan burbureen” gobolka tan iyo markii ay masiibadu dhacday kadib roobabkii lixaadka lahaa ee da’ay.

Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay inay ka warbixinayso qiimayn horudhac ah oo laga sameeyay xafiiskeeda Baghlan, iyadoo sheegtay in khasaaraha maaliyadeed iyo midka bini’aadamkaba uu kordhi karo.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa Axaddii isna barta X ku baahiyay, in inta badan meelaha ay dhibaatadu saameysey ee gobolka aaney baaburta gargaarka gaari karin, hase yeeshee ay isticmaaleysay Dameerro.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yirahdo IOM, ayaa isna ku raacay tirada khasaaraha ay soo sheegeen maamulka Talibaan ee dalkaasi Afgaanistaan ka taliya.

IOM waxay sheegtay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 300 oo qof, waxaana la filayaa inay tiradu intaa ka badato .
Hay’adda ayaa sheegtay in daadadkaasi ay burburiyeen in ka badan 2,000 oo guri.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed