Booliiska Soomaliya oo baaris kuwada ciidamo rasaas ku furay Dad dibadbaxayay

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xireen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen Dad ku dibadbaxayay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa tilmaamay in aanay Booliisku aqbali Karin in la dhibaateeyo Dadka rayidka ah sidaas awgeed Hay’adaha awoodda u leh in ay baaraan loo gacangeliyay askarta la xiray si Maxkamad loosoo taago qofkii kiis lagu helo.

Ciidamada ayuu uga digay in ay ku dhaqaaqaan falal ka baxsan howlaha loo xilsaaray ee dhinaca amniga ah iyo in ay gacanta kusoo dhigaan Dadka gaysta falalka liddiga ku ah nabadgalyada sida uu hadalka u dhigay Macallin Mahdi.

 

“Cid weliba ee xabbad ka ridday Dadkii bannaanbaxayay ee cabashada muujinayay waala xiray, Kiiskaas Baaris ayaa loo diray, haddii alle idmo waxa aan rajayneynaa in Garsoorka & Maxkamaddu ku dhammaato” Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi.

Digniin ayuu u diray Dadka dibadbaxyada dhiga ee xirta waddooyinka ama dhaawaca u gaysta laamiga waxaana uu sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin falalkaas maadaama jidka oo la xiro ay ka dhalanayso xayiraad & dhibaato soo gaarta Bulshada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed