Bannaanbaxyo roob doon ah oo maanta ka qabsoomay Puntland

Waxaa maanta guud ahaan gobollada Puntland lagu qabtay isu soo baxyo roob doon ah oo alle looga baryay in uu umaddiisa ka dulqaado abaarta daran ee ka jirta dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa shacabka Garowe kala qaygalay isu soo baxa roob doonta oo ka dhacay garoonka Mire Awaare, halkaas oo alle lagu baryay, laguna tukaday labo rakcadood oo sunno ah.

Culimada, isimada iyo mas’uuliyiinta ka qeyb gashay bannaanbaxa roob doonta ee maanta ka qabsoomay Garowe ayaa alle ka baryay inuu u shubo raxmadiisa cirka kasoo hoorta, Islamarkaana ka dulqaado abaarta baahsan ee ummadiisu la daalaa dhacayso.

Galinkii horre ee maanta intii uu socday banaanbaxan roob doonta ah waxaa albaabada loo laabay guud ahaan-ba xarumaha ganacsiga, iskuulada iyo xafiisyada dowlada ee ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wuxuuna kusoo beegmayaa isu soo baxani xilli meeshii ugu sarreysay ay marayaan  abaaro khatar ah oo ku dhuftay deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed