Antony Blinken oo ku baaqay xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Magaalada Gaza.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa Xamaas & Israaiil ugu baaqay in ay raacaan dhabbaha nabadda ee lagu gaarayo xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Magaalada Gaza oo dagaal iyo duqayn is dhinac socda ay ka soconayaan tan iyo Oktoobar 2023.

Antony Blinken ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo mas’uuliyad damaanad-qaadaysa in labada dhinac ay ka go’an tahay xabbad-joojin si gaargaar bani aadamnimo loo gaarsiiyo dadka ku go’doonsan Magaalada Gaza.

Blinken ayaa iska indha-tiray in Dowladdiisa Maraykanka ay bixinayso boqolkii boqol hubka culus ee Israaiil ay u adeegsanayso Dagaalka, waxaa kale oo meel iska dhigay in Xukuumadda Netanyahu dhowr jeer ku gacan-sayrtay xabbad-joojin ka timid dhinaca Washington.

“Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joojineed oo la gaadho waa Xamaas” Sidaasi waxaa yiri Antonyo Blinken Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka isaga oo ku sugan Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Blinken waxa uu safarkiisii ugu badnaa muddo dhowr bil ah ku bixiyay Dalalka Carabta, Yurub iyo kuwa udub-dhexaadka u noqon kara xal u helista dabka ka ololaya bariga Dhexe, Washington ayaa balaayiin doollar oo kaalmo militari ah siisay Israaiil.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed