Madaxweynaha Dalka Aljeeriya, Cabdimajiid Tebboune ayaa la sheegay in uu go’aansaday hoos u dhigista xiriirka Diblumaasi ee kala dhaxeeya Waddanka Isutagga Imaaraatka Carabta oo wajahay culays caalami ah oo ka dhan ah.
Waxa uu Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdimajiid Tebboune uu u yeeray Safiirka Dalkiisa u fadhiya ee Abu Dhabi, Amor Fritah oo haatan jooga Caasimadda Dalkaas, waxa ay tani sii xoojisay culayska saaran Isutagga Imaaraatka Carabta.
Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dhankeeda qaadday tallaabooyin diblumaasi oo xooggan kaas oo ka dhan ah Imaaraatka, wararka qaar ayaa ku warramaya in Ergayga Soomaaliya ee Aljeeriya uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah UAE.
Imaaraatka waxaa isu biirsaday heshiiska ay la gashay Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xukuumadda Benjamin Netanyahu uu ka sameeyay Geeska Afrika oo saamayn taban ku leh Dalalka Carabta ee marinnada muhiimka ah ay wadaagaan.

