Maxkamadda CQS oo amartay in la xiro Goobaha lagu iibiyo Walxaha maanka-dooriya

Guddoomiyaha Maxkamadda derajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa amar ku bixiyay in la xiro goobaha lagu iibiyo Dawooyinka sida maandooriyaha loo adeegsado si looga hortago halista Bulshada ka dhanka ah.

Shuute ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka laga doonayo in ay gacan adag kula dagaalamaan Dadka sida ka baxsan qaabka loogu talagalay in loo adeegsado Dawooyinka si Maxkamad loo horgeeyo.

Kiisas badan oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayuu Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute sheegay in ay u badnaayeen kuwa la xiriira falalka ka dhasha isticmaalka Dawooyinka la isku daroogeynayo sida uu hadalka u dhigay.

“Maxkamadda waxa ay amreysaa Xafiiska Xeer ilaalinta oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka Booliiska & Nabadsugidda in ay tallaab ka qaadaan Dukaamada iyo goobaha looga ganacsanayo Daawooyinka loo adeegsanayo in la isku sarkhaamiyo” Ayuu yiri G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u mamnuucday in Dadka aan ahayn bukaannada dhaqaatiirta u qoreyn dawooyinkaan tanka weyn laga iibiyo shaqsiyaad u adeegsanaya in ay isku sarkhaamiyaan si ay dhibaatooyin kala duwan u geystaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed